IMG_0635

(Muqdisho) 05 Juunyo 2017. Allaha u naxariistee waxaa xalay  isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday xiddigii naadiga Elman ee Cumar Muumin kaasoo ka mid ahaa da’yar  xirfadooda aad loogu riyaaqay.

Xiddigan ayaa u geeriyooday dhaawac 22-kii bishaan ay soo gaarsiiyeen rag ku labisan dareeska ciidanka doowlada oo ku sugnaa hareeraha deegaanka calamada ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Falkaas ayaa waxaa u geeriyooday macallinkii labaad ee kooxda Bariga Dhexe Yuusuf xilli dhaawacyo halis ah ay soo gaareen Cumar Muumin iyo C/laahi Mayoow.

Garabkii kooxda Elman ayaa xaaladiisa lagu baxnaaniyay Isbitaalka Madiino, markii laga soo bixiyay Erdoğan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Muumin ayaa ka tirsanaa koox xaafadeedkii Al Aqsa waxa uuna  u soo ciyaaray degmada Wadajir tartankii degmooyinka gobolka Banaadir,si la mid ah Koonfur Galbeed ciyaarihii maamul goboleedyada,kooxda Bariga Dhexe oo uu kasoo saaray heerka labaad iyo kooxda Elman oo uu la qaadanayay waayaheedii ugu wacnaa saddex xilli ciyaareed kaddib.

Xiddigan ayaa lagu aasay demada Afgooye, waxaana leenahay “Rabbi samir iyo iimaan hanaga wada siiyo marxuumka, asagana Janatul fardowso ha’ugu bishaareeyo,” aamiin, aamiin.

Sawirradii ay Gool FM ka qaaday kullamadii uu u saftay Elman

IMG_0187 IMG_0194 IMG_0615 IMG_0635 IMG_0637 IMG_0645 IMG_0685 IMG_8879 IMG_8894 IMG_9697 IMG_9724

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here