Arsenal tell PSG Alexis Sanchez is going nowhere

(London) 05 Juunyo 2017 Kooxda Arsenal ayaa u sheegtay kooxda PSG iyo dhamaan kooxaha doonaya Sanchez in laacibkoodu uusan iib ahayn xaggaagan.

Mustaqbalka Sanchez ee Arsenal ayaa mugdi lagaliyay kadib markii laaciku uu hakiyay wadahadaladii uu kula jiray kooxda ee heshiis kordhinta iyo kooxda oo ku guul daraysatay u soo bixida Champions League.

Qandaraaska laacibka ee kooxda Arsenal waxaa uga harsan kaliya hal xiliciyaareed, laakiin kooxda ayaa ku kalsoon inay sii haysan karto.

Shabakada Goal ayaa ogaatay in Arsenal ay ku wargalisay masuuliyiin ka socday PSG in laacibka reer Chile uusan iib ka ahayn dhankooda.

Sanchez ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaatay Arsenal xiliciyaareedkii dhamaaday, wuxuuna noqday laacibka kaliya ee dhaliyay 24 gool oo horyaalka ah isla markaana caawiyay 10-kale.

PSG ayaa qayb ka ah kooxaha Bayern Munich, Chelsea, Juventus iyo Manchester City oo dhamaantood doonaya saxiixa Sanchez.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here