(Muqdisho) 27 Maajo 2017. Kooxda Savana ayaa dadaal xoogan kaddib ka soo baxday heerka labaad una soo gudubtay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Savana ayaa 3-2 ku dubatay kooxda Somali Fruit taa oo u xaqiijisay inay kal ciyaareedka soo socda ka ciyaari doonto horyaalka Serie A ee dalkeena.

Naadiga uu horkoco tababare Cabdi Buule ayaa labo sano ku jirtay Serie B balse dadaal ay sanadan muujisay ayay dib ugu soo laabatay markale horyaalka koowaad kaddib markii ay ku soo baxday kaalinta labaad.

Naadiga Banaadir ayaa koowaad ku soo baxday oo ku soo guuleystay horyaalka Serie B ee dalkeena, iyadoo ay Savana iyo Banaadir sanadka dambe ka wada ciyaari doonaa horyaalka heerka koowaad.

SAWIRRO:

sava

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 3 people, shoes and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

SAWIR XIGASHO: Mohamed Omar

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here